Horumari habqoraalkaaga af Soomaaliga

44 cashar, 3 saacadood oo fiidiyow ah, iyo shahaado

Course Curriculum

Tusmada Cutubyada Koorsada

    1. Hordhac: Nuxurka Koorsada

    2. Qoraalka Rasmiga iyo Goobaha Shaqada

    3. Hadalka Rasmiga ah iyo Adeegsigiisa

      FREE PREVIEW
    4. Hadalka Aan Rasmiga Ahayn

    5. Leyli/Quiz

    1. Dulmar: Naxwaha Af Soomaaliga iyo Abuurtiisa

    2. Alannada iyo Alifba'da Af Soomaaliga

    3. Qorista Magacyada Qalaad: Qeybta 1-aad

    4. Qorista Magacyada Qalaad: Qeybta 2-aad

    5. Qaamuuska iyo Sida Loo Adeegsado

    6. Qeybaha Hadalka

    7. Qeybaha Hadalka: Farqiga u Dhexeeya Innaga & Annaga

    8. Dhismaha Falka iyo Qurubyada

    9. Leyli/Quiz

    1. Goormee Xarfaha La Weyneeyaa?

    2. Weyneynta Magacyada Buugaagta, Filimada & Ruwaayadaha

    3. Weyneynta Magacyada La Soo Gaabiyay & Jihooyinka

    4. Weyneynta Ciwaannada Maqaallada

    5. Weyneynta Jagooyinka & Magacyada Dadka

    6. Kala Qorista iyo Israacin Ereyada

    7. Xeerka Ereyada Lammaanan

    8. Shaqada Hamsada iyo Meelaha Loo Adeegsado

    9. Farqiga u Dhexeeya -na, na, -ba, iyo se

    10. Xarfaha Labanlaabma: M, N, L, G, R, D, B

    11. Xeerarka Xarfaha Labanlaabma

    12. Dhawaaqyada Kala Duwan ee Xarafka 'D'

    13. Leyli/Quiz

    1. Adeegsiga Joogsiga & Hakadka

    2. Adeegsiga Hakadka: Qeybta 1-aad

    3. Adeegsiga Hakadka: Qeybta 2-aad

    4. Adeegsiga Saxda ah ee Astaan Weydiimeedka

    5. Sida Loo Adeegsado Astaanta Yaabka

    6. Kolmooyinka (" ") iyo Xeerarkooda

    7. Bilaha, Labada Dhibcood (:), & Joogsiga Dhimman (;)

    8. Jiitin Gaaban (-), Jiitin Dheer (—), & Isbaaro (/)

    9. Saddexda Dhibcood (...) iyo Adeegsigooda Habboon

    10. Leyli/Quiz

    1. Habqoraalka Saxda ah ee Magaca "AF SOOMAALI"

    2. Noocyada Kala Duwan ee Qoraallada: Abla'ablayn

    3. Khaladaad Qoraal oo Baahsan iyo Sida Lagaga Fogaado

    4. Soomaaliyaynta Ereyada Carabiga: Kala Saaridda 'M' iyo 'N'

    5. Leyli/Quiz

    6. Hagaajinta Qoraalka Rasmiga ah: 7 Xeer oo Aan Gorgortan Lahayn

    7. Gunaanad

Xogta Koorsada

  • $59.00
  • 44 lessons
  • 3 hours of video content
  • Shahaado
  • 5 leyli iyo jawaabahooda
  • 1 dukumiinti PDF oo aad degsan karto

Reviews (Falcelin)

Maxay ardaydu ka dhaheen koorsada?

5 star rating

Bogaadin iyo Mahadnaq

Abdulkadir Hassan Osman

Waxaan bogaadinayaa habka wanaagsan ee loo diyaariyey koorsada ‘Habqoraalka Habboon ee Af Soomaaliga.’ Waxaan ku bartay koorsadaan xeerar iyo qaabab kala duwan oo qofku ku hagaajin karo qoraalkiisa kana dhigi karo mid wanaagsan. Waxaan rajeynayaa...

Read More

Waxaan bogaadinayaa habka wanaagsan ee loo diyaariyey koorsada ‘Habqoraalka Habboon ee Af Soomaaliga.’ Waxaan ku bartay koorsadaan xeerar iyo qaabab kala duwan oo qofku ku hagaajin karo qoraalkiisa kana dhigi karo mid wanaagsan. Waxaan rajeynayaa koorsadan in ay wax badan ka baddasho habqoraalkayga haddii Alla idmo. Ugu danbayn, waxaan u mahadcelinayaa ustaad Shaakir oo koorsadaan galiyey juhdi iyo dadaal dheer si uu uga faa’ideysto qof kasta oo rabo in uu hagaajiyo qoraalkiisa kana dhigo mid naxwo ahaan saxan. Ustaad, mahadsanid. FG: waxaa laga yabaa in aan soo qoray qoraal aan wanaagsanayn, marka ustaadku ha ii cudurdaaro, wali waxaan ku jiraa barasho hhh.

Read Less
5 star rating

Falcelin

Yusuf Abdirahman

In kasta oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay aan ku dhex jiray ka-shaqaynta iyo barashada communication-ka, waxaan qirayaa in Koorsada Habqoraalka Habboon ee Af-Soomaaliga ay tahay mid ka duwan guud ahaan tababarradii qoraaleed ee aan hore u qaatay...

Read More

In kasta oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay aan ku dhex jiray ka-shaqaynta iyo barashada communication-ka, waxaan qirayaa in Koorsada Habqoraalka Habboon ee Af-Soomaaliga ay tahay mid ka duwan guud ahaan tababarradii qoraaleed ee aan hore u qaatay, oo aan ka kororsaday waayo-aragnimo, anshax iyo aqoon qoraal oo aan ku faani karo. Wax koorsadan gaar ka dhigaya marka laga tago khibradda heerka sare ah ee macallinku leeyahay waa qaabka wanaagsan ee loo diyaariyey, sida infographics-yada, oo fududeeya in si sahlan loo fahmo. Waxaan hubaa in aqoonta aan koorsadan ka kororsaday ay ii anfici doonto shaqsi ahaan iyo shaqo ahaanba. Bahda Waxisbar, aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin. Yusuf Banani

Read Less
5 star rating

Koorso qiimo badan

Hamdi Hassan

Iskuulka 12 sano ayaa Soomaali gabayo iyo sheekooyin u badan la iigu soo dhigay. Laakiin maba nalagu xujeyn jirin naxwaha af Soomaaliga iyo habqoraalka hagaagsan. Wax badan ayaan ka faa’iiday koorsadaan. Runtii qof kasta oo doonaya in uu af Soom...

Read More

Iskuulka 12 sano ayaa Soomaali gabayo iyo sheekooyin u badan la iigu soo dhigay. Laakiin maba nalagu xujeyn jirin naxwaha af Soomaaliga iyo habqoraalka hagaagsan. Wax badan ayaan ka faa’iiday koorsadaan. Runtii qof kasta oo doonaya in uu af Soomaaligiisa horumariyo waan kula talin lahaa. Alan iyo qurub ayaa ka mid ah waxyaabihii igu cusbaa ee aan koorsadaan ka bartay.

Read Less
5 star rating

Waa koorso isku dhan

Cali Jaamac

Runta haddaan ka hadlo waa koorsadii iigu faa'iidada badnayd oo af Soomaali ah. Aqoon iyo cilmi badan ayuu ustaadku soo aruuriyay, wallaahi waan ka helay. Jasaakallaahu khayr ustaad. Qof kasta waan kula talinayaa.

Runta haddaan ka hadlo waa koorsadii iigu faa'iidada badnayd oo af Soomaali ah. Aqoon iyo cilmi badan ayuu ustaadku soo aruuriyay, wallaahi waan ka helay. Jasaakallaahu khayr ustaad. Qof kasta waan kula talinayaa.

Read Less
5 star rating

Waa koorso faa'iido badan

Suado Abdullahi

Run ahaantii koorsadan wax weyn baan ka faa'iiday oo aanan hore u aqoonin, sida naxwaha af Soomaliga, qoraalka saxda ah ee ereyada lammaanan (dhaadhaar). Qof kasta oo rabo in uu toosisto qoraalka rasmi ee af Soomaalliga, koorsadaan waa kula talinaa 😊

Read More

Run ahaantii koorsadan wax weyn baan ka faa'iiday oo aanan hore u aqoonin, sida naxwaha af Soomaliga, qoraalka saxda ah ee ereyada lammaanan (dhaadhaar). Qof kasta oo rabo in uu toosisto qoraalka rasmi ee af Soomaalliga, koorsadaan waa kula talinaa 😊

Read Less
5 star rating

Fursad dahabi ah

Sayidomar Mo'allim

Waxaan ku faraxsanahay in aan soo qatimay koorsada Habqoraalka Habboon ee Af Soomaaliga. Waxa ay ii ahayd fursad dahabi ah oo aan si fiican uga faa'iidaystay.

Waxaan ku faraxsanahay in aan soo qatimay koorsada Habqoraalka Habboon ee Af Soomaaliga. Waxa ay ii ahayd fursad dahabi ah oo aan si fiican uga faa'iidaystay.

Read Less
4 star rating

Falcelin

Abdifatah Shureym

Markii la joogo luuqaddaada, waa muhiim in aad si hagaagsan wax u qori karto. Marka laga soo tago iskuulka oo aan ku soo qaatay habqorista af Soomaaliga oo aan si qoto dheer la innoogu soo dhigin daruufo kala duwan owgeed, haddana jaanis uma helin...

Read More

Markii la joogo luuqaddaada, waa muhiim in aad si hagaagsan wax u qori karto. Marka laga soo tago iskuulka oo aan ku soo qaatay habqorista af Soomaaliga oo aan si qoto dheer la innoogu soo dhigin daruufo kala duwan owgeed, haddana jaanis uma helin si dhammeystiran oo kooban meel loogu dhigaayo inaan helo. Bahda Waxisbar waxaad mooddaa in ay sii akhristeen waxa niyaddayda ku jiray oo ahaa koorso gaaban oo macno ballaranna xambaarsan in aan raadinaayay Koorsada Habqoraalka Habboon ee Af Soomaaliga intaan qaadanaayay waxaan ka dhex bartay khaladaad aan sameyn jiray marka aan wax qoraayo, sidoo kale waxaa aad ii soo jiitay oo sida fudud ee uu ustaadku u sharxay astaameynta qoraalka, oo ah meesha inta badan la fududeysto oo qoraalka hagaagsanna ubuc u ah. Qofkii xiiseynaya in uu barto qaabka habboon ee loo qoro luuqadda af Soomaaliga, waan kula talinayaa in koorsadaan uu qaato, sidoo kalana uu la akhriyo labada buug ee ugu caansan naxawaha af Soomaaliga.

Read Less

Waa kuma macallinka koorsada?

Shaakir Maxamed CabdullaahiMagacaygu waa Shaakir Maxamed Cabdullaahi. Waxaan ahay khabiir ku xeeldheer qorista maqaallada iyo sheekooyinka gaagaaban, kaas oo in ka badan 15 sano ku dhex jiray dunida qoraalka, curisyada, iyo halabuurka nuxursamaynta (content creation). Tan iyo sanadkii 2019, waxaan tababarro iyo casharro ku saabsan blogging-ka, suuqgeynta dijitaalka (digital marketing), iyo maaddooyinka la xiriira ganacsiga iyo iibgeynta ka bixinayay jaamacadaha iyo xarumaha tababarka ee dalka. Waxaan si joogta wax ugu qoraa SHAMACA.COM. Koorsadan waxaan kugula wadaagayaa miraha ugu fiican ee waaya’aragnimadeyda xeerarka rasmiga iyo habqoraalka habboon ee AF SOOMAALIGA, si aad muddo kooban ugu kasbato xirfad qoraal oo sarreysa.

Maxay ka kooban tahay koorsadan?

Koorsadan waxaad ku baran doontaa xeerarka asaasiga u ah habqoraalka habboon ee af Soomaaliga. Marka aad kooraska dhammaysato, waxaad aqoon fiican u yeelan doontaa

  • Aasaaska naxwaha af Soomaaliga

  • Higgaadda iyo xeerarka xarfaha labanlaabma

  • Xeerarka astaameynta qoraalka (punctuation marks) iyo sida saxda ah ee loo isticmaalo

  • Israacinta iyo kala qoridda ereyada.

  • Ereyada lammaanan iyo xeerarkooda

  • Khaladaadka qoraal ee baahsan iyo sida la isaga ilaaliyo

  • Sida saxda ee loo qoro magacyada qalaad ee Soomaaliyoobay

  • Sida hagaagsan ee loo qoro magacyada dadka, dalalka, magaalooyinka, iyo goobaha qalaad

Yaa loogu talagalay koorsadan?

Koorsadani waxay si gaar ah u anfacaysaa

  • Shaqaalaha iyo xirfadleyda: Shaqaalaha shirkadaha, hay'adaha dowladda, iyo NGO-yada ee qora warbixinno, wareegtooyin, iimayllo, iyo warqado rasmi ah.

  • Warfidiyeennada iyo qorayaasha: Weriyayaasha, tifaftirayayaasha, iyo qorayaasha raba in ay soo saaraan qoraallo hufan oo naxwe ahaan sax ah.

  • Halabuurka iyo suuqgeeyayaasha: Nuxursameeyayaasha (content creators), dadka interneedka wax ku qora (bloggers, Facebook, LinkedIn, Substack, iwm), iyo maamulayaasha baraha bulshada (social media managers)

  • Qof kasta oo raba: In uu barto xeerarka rasmiga ah ee higgaadda, dhismaha weeraha, habqoraalka habboon, iyo astaamaynta af Soomaaliga rasmiga ah.

Su'aalo aad qabi karto (FAQ)

  • Koorsadu ma duuban tahay mise waa toos?

    Koorsadu way duuban tahay, waxaadna casharrada daawan kartaa waqtiga aad adigu rabto ee kuu habboon.

  • Qof aan iskuul dhiganin koorsada ma qaadan karaa?

    Haa. Kaliya waxaad u baahan tahay in aad taqaan sida loo akhriyo loona qoro af Soomaaliga.

  • Lacagta sideen u bixin karaa?

    Waxaad ku bixin kartaa kaarkaaga bangiga (Mastercard ama Visa). Haddii aad rabto in aad lacagta ku bixiso EVC Plus, Sahal, Zaad, Premier Bank Wallet, am e-Dahab, fadlan nagala soo xiriir WhatsApp-ka boggan kaaga muuqda.

  • Shahaado ma helayaa markaan dhammeeyo koorsada?

    Haa. Marka aad wada daawato dhammaan casharrada oo aad dhammaystirto layliyada cutubyada, Waxisbar waxay si toos ah magacaaga ugu soo saaraysaa shahaadada koorsada (Certificate of Completion).

  • Intee in le'eg ayay koorsadu ii furnaanaysaa?

    Koorsada markaad iska diiwaangeliso, waxay kuu furnaan doontaa muddo 12 bilood ah.

  • Sidee koorsada isaga diiwaangelin karaa?

    Ku dhufo meesha ay ku qoran tahay ISKA DIIWAANGELI KOORSADA. Bogga xiga ee kuu soo bixi doona ka dooro SIGN IN oo ku gal email-kaaga Gmail-ka, Facebook, LinkedIn, ama Apple ID. Ama taabo 'create a new account' haddaad rabto in aad email ku samaysato akoonkaaga. Tallaabada xigta waa lacag bixinta. Lacagta ku bixi kaarkaaga bangiga (Mastercard amd Visa). Haddii aadan haysan kaar bangi, fadlan WhatsApp-ka nagala soo xiriir si aan kuu diiwaangelinno.

Hadda iska qor koorsadan

Baro sida habboon ee loo qoro af Soomaaliga rasmiga ah.