Habqoraalka Habboon ee Af Soomaaliga
Baro xeerarka iyo farsamooyinka habqoraalka saxda ah ee af Soomaaliga. Koorso tayo leh oo ku dhisan 15+ sano oo khibrad ah, korna u qaadaysa xirfaddaada qoraal. Ku soo biir oo qoraalkaaga hagaaji.
44 cashar, 3 saacadood oo fiidiyow ah, iyo shahaado
Tusmada Cutubyada Koorsada
Hordhac: Nuxurka Koorsada
Qoraalka Rasmiga iyo Goobaha Shaqada
Hadalka Rasmiga ah iyo Adeegsigiisa
FREE PREVIEWHadalka Aan Rasmiga Ahayn
Leyli/Quiz
Dulmar: Naxwaha Af Soomaaliga iyo Abuurtiisa
Alannada iyo Alifba'da Af Soomaaliga
Qorista Magacyada Qalaad: Qeybta 1-aad
Qorista Magacyada Qalaad: Qeybta 2-aad
Qaamuuska iyo Sida Loo Adeegsado
Qeybaha Hadalka
Qeybaha Hadalka: Farqiga u Dhexeeya Innaga & Annaga
Dhismaha Falka iyo Qurubyada
Leyli/Quiz
Goormee Xarfaha La Weyneeyaa?
Weyneynta Magacyada Buugaagta, Filimada & Ruwaayadaha
Weyneynta Magacyada La Soo Gaabiyay & Jihooyinka
Weyneynta Ciwaannada Maqaallada
Weyneynta Jagooyinka & Magacyada Dadka
Kala Qorista iyo Israacin Ereyada
Xeerka Ereyada Lammaanan
Shaqada Hamsada iyo Meelaha Loo Adeegsado
Farqiga u Dhexeeya -na, na, -ba, iyo se
Xarfaha Labanlaabma: M, N, L, G, R, D, B
Xeerarka Xarfaha Labanlaabma
Dhawaaqyada Kala Duwan ee Xarafka 'D'
Leyli/Quiz
Adeegsiga Joogsiga & Hakadka
Adeegsiga Hakadka: Qeybta 1-aad
Adeegsiga Hakadka: Qeybta 2-aad
Adeegsiga Saxda ah ee Astaan Weydiimeedka
Sida Loo Adeegsado Astaanta Yaabka
Kolmooyinka (" ") iyo Xeerarkooda
Bilaha, Labada Dhibcood (:), & Joogsiga Dhimman (;)
Jiitin Gaaban (-), Jiitin Dheer (—), & Isbaaro (/)
Saddexda Dhibcood (...) iyo Adeegsigooda Habboon
Leyli/Quiz
Habqoraalka Saxda ah ee Magaca "AF SOOMAALI"
Noocyada Kala Duwan ee Qoraallada: Abla'ablayn
Khaladaad Qoraal oo Baahsan iyo Sida Lagaga Fogaado
Soomaaliyaynta Ereyada Carabiga: Kala Saaridda 'M' iyo 'N'
Leyli/Quiz
Hagaajinta Qoraalka Rasmiga ah: 7 Xeer oo Aan Gorgortan Lahayn
Gunaanad
Maxay ardaydu ka dhaheen koorsada?
Waxaan bogaadinayaa habka wanaagsan ee loo diyaariyey koorsada ‘Habqoraalka Habboon ee Af Soomaaliga.’ Waxaan ku bartay koorsadaan xeerar iyo qaabab kala duwan oo qofku ku hagaajin karo qoraalkiisa kana dhigi karo mid wanaagsan. Waxaan rajeynayaa...
Read MoreWaxaan bogaadinayaa habka wanaagsan ee loo diyaariyey koorsada ‘Habqoraalka Habboon ee Af Soomaaliga.’ Waxaan ku bartay koorsadaan xeerar iyo qaabab kala duwan oo qofku ku hagaajin karo qoraalkiisa kana dhigi karo mid wanaagsan. Waxaan rajeynayaa koorsadan in ay wax badan ka baddasho habqoraalkayga haddii Alla idmo. Ugu danbayn, waxaan u mahadcelinayaa ustaad Shaakir oo koorsadaan galiyey juhdi iyo dadaal dheer si uu uga faa’ideysto qof kasta oo rabo in uu hagaajiyo qoraalkiisa kana dhigo mid naxwo ahaan saxan. Ustaad, mahadsanid. FG: waxaa laga yabaa in aan soo qoray qoraal aan wanaagsanayn, marka ustaadku ha ii cudurdaaro, wali waxaan ku jiraa barasho hhh.
Read LessIn kasta oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay aan ku dhex jiray ka-shaqaynta iyo barashada communication-ka, waxaan qirayaa in Koorsada Habqoraalka Habboon ee Af-Soomaaliga ay tahay mid ka duwan guud ahaan tababarradii qoraaleed ee aan hore u qaatay...
Read MoreIn kasta oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay aan ku dhex jiray ka-shaqaynta iyo barashada communication-ka, waxaan qirayaa in Koorsada Habqoraalka Habboon ee Af-Soomaaliga ay tahay mid ka duwan guud ahaan tababarradii qoraaleed ee aan hore u qaatay, oo aan ka kororsaday waayo-aragnimo, anshax iyo aqoon qoraal oo aan ku faani karo. Wax koorsadan gaar ka dhigaya marka laga tago khibradda heerka sare ah ee macallinku leeyahay waa qaabka wanaagsan ee loo diyaariyey, sida infographics-yada, oo fududeeya in si sahlan loo fahmo. Waxaan hubaa in aqoonta aan koorsadan ka kororsaday ay ii anfici doonto shaqsi ahaan iyo shaqo ahaanba. Bahda Waxisbar, aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin. Yusuf Banani
Read LessIskuulka 12 sano ayaa Soomaali gabayo iyo sheekooyin u badan la iigu soo dhigay. Laakiin maba nalagu xujeyn jirin naxwaha af Soomaaliga iyo habqoraalka hagaagsan. Wax badan ayaan ka faa’iiday koorsadaan. Runtii qof kasta oo doonaya in uu af Soom...
Read MoreIskuulka 12 sano ayaa Soomaali gabayo iyo sheekooyin u badan la iigu soo dhigay. Laakiin maba nalagu xujeyn jirin naxwaha af Soomaaliga iyo habqoraalka hagaagsan. Wax badan ayaan ka faa’iiday koorsadaan. Runtii qof kasta oo doonaya in uu af Soomaaligiisa horumariyo waan kula talin lahaa. Alan iyo qurub ayaa ka mid ah waxyaabihii igu cusbaa ee aan koorsadaan ka bartay.
Read LessRunta haddaan ka hadlo waa koorsadii iigu faa'iidada badnayd oo af Soomaali ah. Aqoon iyo cilmi badan ayuu ustaadku soo aruuriyay, wallaahi waan ka helay. Jasaakallaahu khayr ustaad. Qof kasta waan kula talinayaa.
Runta haddaan ka hadlo waa koorsadii iigu faa'iidada badnayd oo af Soomaali ah. Aqoon iyo cilmi badan ayuu ustaadku soo aruuriyay, wallaahi waan ka helay. Jasaakallaahu khayr ustaad. Qof kasta waan kula talinayaa.
Read LessRun ahaantii koorsadan wax weyn baan ka faa'iiday oo aanan hore u aqoonin, sida naxwaha af Soomaliga, qoraalka saxda ah ee ereyada lammaanan (dhaadhaar). Qof kasta oo rabo in uu toosisto qoraalka rasmi ee af Soomaalliga, koorsadaan waa kula talinaa 😊
Read MoreRun ahaantii koorsadan wax weyn baan ka faa'iiday oo aanan hore u aqoonin, sida naxwaha af Soomaliga, qoraalka saxda ah ee ereyada lammaanan (dhaadhaar). Qof kasta oo rabo in uu toosisto qoraalka rasmi ee af Soomaalliga, koorsadaan waa kula talinaa 😊
Read LessWaxaan ku faraxsanahay in aan soo qatimay koorsada Habqoraalka Habboon ee Af Soomaaliga. Waxa ay ii ahayd fursad dahabi ah oo aan si fiican uga faa'iidaystay.
Waxaan ku faraxsanahay in aan soo qatimay koorsada Habqoraalka Habboon ee Af Soomaaliga. Waxa ay ii ahayd fursad dahabi ah oo aan si fiican uga faa'iidaystay.
Read LessMarkii la joogo luuqaddaada, waa muhiim in aad si hagaagsan wax u qori karto. Marka laga soo tago iskuulka oo aan ku soo qaatay habqorista af Soomaaliga oo aan si qoto dheer la innoogu soo dhigin daruufo kala duwan owgeed, haddana jaanis uma helin...
Read MoreMarkii la joogo luuqaddaada, waa muhiim in aad si hagaagsan wax u qori karto. Marka laga soo tago iskuulka oo aan ku soo qaatay habqorista af Soomaaliga oo aan si qoto dheer la innoogu soo dhigin daruufo kala duwan owgeed, haddana jaanis uma helin si dhammeystiran oo kooban meel loogu dhigaayo inaan helo. Bahda Waxisbar waxaad mooddaa in ay sii akhristeen waxa niyaddayda ku jiray oo ahaa koorso gaaban oo macno ballaranna xambaarsan in aan raadinaayay Koorsada Habqoraalka Habboon ee Af Soomaaliga intaan qaadanaayay waxaan ka dhex bartay khaladaad aan sameyn jiray marka aan wax qoraayo, sidoo kale waxaa aad ii soo jiitay oo sida fudud ee uu ustaadku u sharxay astaameynta qoraalka, oo ah meesha inta badan la fududeysto oo qoraalka hagaagsanna ubuc u ah. Qofkii xiiseynaya in uu barto qaabka habboon ee loo qoro luuqadda af Soomaaliga, waan kula talinayaa in koorsadaan uu qaato, sidoo kalana uu la akhriyo labada buug ee ugu caansan naxawaha af Soomaaliga.
Read Less
Shaakir Maxamed CabdullaahiMagacaygu waa Shaakir Maxamed Cabdullaahi. Waxaan ahay khabiir ku xeeldheer qorista maqaallada iyo sheekooyinka gaagaaban, kaas oo in ka badan 15 sano ku dhex jiray dunida qoraalka, curisyada, iyo halabuurka nuxursamaynta (content creation). Tan iyo sanadkii 2019, waxaan tababarro iyo casharro ku saabsan blogging-ka, suuqgeynta dijitaalka (digital marketing), iyo maaddooyinka la xiriira ganacsiga iyo iibgeynta ka bixinayay jaamacadaha iyo xarumaha tababarka ee dalka. Waxaan si joogta wax ugu qoraa SHAMACA.COM. Koorsadan waxaan kugula wadaagayaa miraha ugu fiican ee waaya’aragnimadeyda xeerarka rasmiga iyo habqoraalka habboon ee AF SOOMAALIGA, si aad muddo kooban ugu kasbato xirfad qoraal oo sarreysa.
Koorsadan waxaad ku baran doontaa xeerarka asaasiga u ah habqoraalka habboon ee af Soomaaliga. Marka aad kooraska dhammaysato, waxaad aqoon fiican u yeelan doontaa
Aasaaska naxwaha af Soomaaliga
Higgaadda iyo xeerarka xarfaha labanlaabma
Xeerarka astaameynta qoraalka (punctuation marks) iyo sida saxda ah ee loo isticmaalo
Israacinta iyo kala qoridda ereyada.
Ereyada lammaanan iyo xeerarkooda
Khaladaadka qoraal ee baahsan iyo sida la isaga ilaaliyo
Sida saxda ee loo qoro magacyada qalaad ee Soomaaliyoobay
Sida hagaagsan ee loo qoro magacyada dadka, dalalka, magaalooyinka, iyo goobaha qalaad
Koorsadani waxay si gaar ah u anfacaysaa
Shaqaalaha iyo xirfadleyda: Shaqaalaha shirkadaha, hay'adaha dowladda, iyo NGO-yada ee qora warbixinno, wareegtooyin, iimayllo, iyo warqado rasmi ah.
Warfidiyeennada iyo qorayaasha: Weriyayaasha, tifaftirayayaasha, iyo qorayaasha raba in ay soo saaraan qoraallo hufan oo naxwe ahaan sax ah.
Halabuurka iyo suuqgeeyayaasha: Nuxursameeyayaasha (content creators), dadka interneedka wax ku qora (bloggers, Facebook, LinkedIn, Substack, iwm), iyo maamulayaasha baraha bulshada (social media managers)
Qof kasta oo raba: In uu barto xeerarka rasmiga ah ee higgaadda, dhismaha weeraha, habqoraalka habboon, iyo astaamaynta af Soomaaliga rasmiga ah.
Koorsadu way duuban tahay, waxaadna casharrada daawan kartaa waqtiga aad adigu rabto ee kuu habboon.
Haa. Kaliya waxaad u baahan tahay in aad taqaan sida loo akhriyo loona qoro af Soomaaliga.
Waxaad ku bixin kartaa kaarkaaga bangiga (Mastercard ama Visa). Haddii aad rabto in aad lacagta ku bixiso EVC Plus, Sahal, Zaad, Premier Bank Wallet, am e-Dahab, fadlan nagala soo xiriir WhatsApp-ka boggan kaaga muuqda.
Haa. Marka aad wada daawato dhammaan casharrada oo aad dhammaystirto layliyada cutubyada, Waxisbar waxay si toos ah magacaaga ugu soo saaraysaa shahaadada koorsada (Certificate of Completion).
Koorsada markaad iska diiwaangeliso, waxay kuu furnaan doontaa muddo 12 bilood ah.
Ku dhufo meesha ay ku qoran tahay ISKA DIIWAANGELI KOORSADA. Bogga xiga ee kuu soo bixi doona ka dooro SIGN IN oo ku gal email-kaaga Gmail-ka, Facebook, LinkedIn, ama Apple ID. Ama taabo 'create a new account' haddaad rabto in aad email ku samaysato akoonkaaga. Tallaabada xigta waa lacag bixinta. Lacagta ku bixi kaarkaaga bangiga (Mastercard amd Visa). Haddii aadan haysan kaar bangi, fadlan WhatsApp-ka nagala soo xiriir si aan kuu diiwaangelinno.
Baro sida habboon ee loo qoro af Soomaaliga rasmiga ah.